WARBIXIN: 10-ka Daafac Bidix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga

Daafaca Bidix ee Ferland Mendy ayaa noqday saxiixiii ugu dambeeyay ee Real Madrid iyaga oo 48 milyan oo euro kala soo wareegay kooxda Lyon iyo 5 milyan oo Guno ah.

Kooxda Real Madrid ayaa haatan la soo saxiixatay 5-ta daafac Bidix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer France ee Ferland Mendy.

Daafaca Bidix ee kooxda Man City ee Benjamin Mendy ayaa ah midka ugu qaalisan iyada oo ay man City ka soo bixisay lacag dhan 58 milyan oo euro halka ay Man United Luke Shaw kula soo saxiixatay 38 milyan oo euro.

Laakiin kooxda Real Madrid ayaa laba xiddig ku leh 5-ta daafac ee bidix ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga iyaga oo 30 milyan oo euro ka soo bixiyay Fabio Coentrao xagaagii 2011 halka ay 26 milyan oo euro kaga soo bixiyeen Theo Hernandez xagaagii 2017 iyo xiddigaha reer Brazil ee Roberto Carlos iyo Marcelo kuqaas oo isku qoray taariikhda Los Blancos.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka daafac Bidix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga:

  1. Benjamin Mendy, 58m euros
  2. Ferland Mendy, 48m euros(+5m euros in add-ons)
  3. Luke Shaw, 38m euros
  4. Fabio Coentrao, 30m euros
  5. Theo Hernandez, 26m euros
  6. Alex Sandro, 26m euros
  7. Marcos Alonso, 25m euros
  8. Nico Schulz, 25m euros
  9. Layvin Kurzawa, 25m euros
  10. Yuri Zhirkov, 21m euros

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.