Waa Maxay Sababta Kulanka Man United Vs Chelsea Ee Premier League Ugu Fiican Yahay Kooxda Liverpool Kadib Markii La Soo Saaray Jadwalkii Premier League?

Waxa shalay si Rasmi ah loo soo saaray Jadwalka horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe iyad aoo koox walba ogaatay kulamada ay ciyaari doonto horyaalka xilli ciyaareedka 2019/2020.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadka ugu horeeya ayaa ah kulanka ay wada ciyaari doonaan kooxaha Man United iyo Chelsea kaas oo faa,iido weyn u ah kooxda Liverpool ka hor inta ayna Chelsea la ciyaarin kulanka UEFA Super Cup-ka bisha August.

Liverpool ayaa xaqiiqsatay booskeeda UEFA Super Cup-ka kadib markii ay ku guulaysteen champions Leageu halka ay chelsea ku guulaystay koobka Euroa League kadib markii ay garaacday Arsenal.

Finalka UEFA Super Cup-ka ayaa la qaban doonaa 14 bisha August iyada oo lagu qaban doono garoonka Vodafone Park kuna yaala caasimada Dalka Turkey ee Istanbul.

Labada kooxood ayaa soo wada qaatay kulan xiiso leh kulamadii ay isaga hor yimaadeen xilli ciyaareedkii hore waana kulan si weyn isha loogu hayo.

Si kasta ha ahaatee Chelsea ayaa faa,iido daro ku qabta tartanka ay ugu jirto koobka UEFA Super Cup-ka in ay ku guulaysato xilli ciyaareedka dambe.

Sababta ayaa ah in ay chelsea haysato wakhti aad u yar oo ay isugu diyaariso kulankaas marka ay kulankooda ugu horeeya la ciyaarto Man United 11 bisha August kuna beegan maalin Axad ah.

Dhanka kale Liverpool ayaa qabta faa,iido weyn marka loo eego in ay kulankeeda ugu horeeya la ciyaari doonto Norwich City 9 bisha kuna beegan Maalin jimce ah taas oo la macno ah in ay haysato wakhti laba maalmood dheer Chelsea si ay isugu diyaariso kulankaas.

Arintaas ayaa Reds ka caawinaysa in ay fursad fiican u haysato ku guulaysiga koob kale oo yurub ah kadib markii ay champions League kor u qaaday xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.