Waa Maxay Sababta Ay PSG Ugu Qanacsantahay In Ay Kooxaha Barcelona & Man United Ugu Garaaci Doonto Saxiixa Matthijs de Ligt?

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ku kalsoon in ay saxiixa daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ku garaaci doonto kooxda Manchester United iyo waliba Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa diyaarsatay qorshe cajiib ah iyo waliba dhaqaale fiican oo ay daafaca Ajax ee Matthijs de Ligt ugu qanciso in uu iyaga u saxiixo iskana diido kooxo kale ee reer yurub.

Daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt ayaa haatan ah xiddiga ugu hadal haynta badan suuqa kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin kooxaha Man United, Barcelona, Liverpool, Juventus iyo waliba Kooxda PSG.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Independent ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ku kalsoontahay in ay kooxaha kale ku garaaci doonaan saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha mushaharka ay diyaarka ula yihiin ee dhan 350 kun oo Gini toodbaadkii in uu yahay midka ugu weyn ee haatan miiska saaran.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay kooxda PSG diyaarisay qorshe cajiib ah oo ay da,yarka ugu qancinayso qaabka uu ugu soo bixi doono shaxdooda hadii uu ku biiro kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.