Waa Maxay Sababta Ay Juventus Chelsea Ugu Riixayso In Ay Go,aan Ka Gaadho Mustaqbalka Maurizio Sarri?

Kooxda Juventus ayaa chelsea ku riixaysa in ay go,aan deg-deg ah ka qaadato mustaqbalka tababare Maurizio Sarri taas oo uu fure u ah mustaqbalka Frank Lampard.

Madax Juventus ka socota ayaa wadahadalo la qaatay kooxda chelsea xilli ay Blues dalbanayo lacag 5 milyan ah ka hor inta ayna sarii u ogolaan in uu ku laabto Itlay.

Laakiin Juventus ayaa ogsoon in ayna chelsea sii haysan doonin Sarri sidaas darteed waxa ay diidan yihiin in ay bixiyaan lacagta ay Blues ku doonayo tababaraha oo laga yaabo in ay chelsea shaqada ka caydhiso.

Chelsea ayaa halyeeyga kooxda ee Lampard ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad si uu u noqdo tababarohooda cusub laakiin ilaa inta ay Juventus jawaab ka helayaan Roman Abramovich ogolaansho u siin in ay u dhaqaaqaan in ay dhaamystiraan heshiiska tababaraha.

Lampard ayaa wajahaya go,aan adag sabab la xidhiidha in uu shaqso fiican ka qabtay Derby isaga oo la shaqeeyay xiddigo da,yar ah oo ah qaabka ay jeceshahay kooxda chelsea.

Laakiin ilaa inta ay chelsea xalinayso arinta sarri kooxda ayaan u dhaqaaqi doonin Lampard xilli ay kooxdu ka cabsi qabto in ay dhacdo sidii xagaagii hore markii uu Antonio Conte diiday in uu kooxda horay uga tago xitaa hogaamiyay qaar ka mid ah tabaabradii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.