TOP 10: Lionel Messi Oo Hogaaminaya Liiska 10-ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan

Waxa la soo saaray 10-ka ciyaartoy ee ciyaara Sports-ka sanadka 2019 iyada oo uu hogaaminayo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi isaga oo ka horeeya xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo xiddiga kooxda PSG ee Neymar.

Xiddiga reer Argentine ayaa jeebka ku shubtay lacag dhan 127 Milyan euro sanadkii la soo dhaafay iyada oo uu 92 Dollar ahaayeen mushaharkiisa.

Sida laga soo xigtay Forbes waxa ku xiga xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo qaatay lacag dhan 109 milyan oo euro sanadkii la soo dhaafay.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo jeebka ku shubta lacag dhan 105 milyan oo euro Waxa ku xiga feedhyahanka caanka ah ee Canelo Alvarez Iyo Ciyaaryahanka Tenniska ee Roger Federer oo buuxiyay 5-ta ugu saraysa.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska ciyaartoyada ugu mushaharka ah:

Lionel Messi, 127 million dollars

Cristiano Ronaldo, 109 million dollars

Neymar., 105 million dollars

Canelo Alvarez, 94 million dollars

Roger Federer, 93.4 million dollars

Russell Wilson, 89.5 million dollars

Aaron Rodgers, 89.3 million dollars

LeBron James, 89 million dollars

Stephen Curry, 79.8 million dollars

Kevin Durant, 65.4 million dollars

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.