Sirta Ka Dambaysa In Ayna Barcelona Wax Saxiix Ah Dhamaystirin Ilaa Haatan Oo La Ogaaday & Wakhtiga Ay Labada Saxiix Ee Ugu Horeeya Ku Dhawaaqi Doonto.

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa is waydiinaya sababta ay kooxdoodu wali suuqa u gali laadahay xilli ay kooxda ay la xafiiltamaan ee Real Madrid si xoogan u gashay suuqa si fiicana isku xoojisay lana soo saxiixatay 4 xiddig oo waaweyn.

Arinta sii dhibaysa taageerayaasha ayaa ah in ay kooxdu ka baxday wakhti aad u adag oo ay ku dhamaystay qaab ciyaareed xun iskana khasaarisay fursad ay 3 koob ugu guulaysan lahayd.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in sirta ka dambaysa in ayna kooxda Barcelona wali ku dhawaaqin ama dhamaystirin wax saxiix ah tahay in ay sugayso inta laga gaadhayo 1 bisha July maadama ayna kooxdu doonayn in ay wajahdo khatar isku dheelni tirnaan dhanka miisaaniyada kooxda sidaas darteed waxa ay sugaysa in ay si buuxda u mesho miisaaniyada cusub si ay lacago suuqa u galiso.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku dhawaaqi doonto saxiixyada xiddigaha Matthijs de Ligt Iyo Antoine Griezmann 1 bisha July marka loo eego in lacagta lagu bur-burin doono heshiiska Antoine Griezmann ee Atletico Madrid u dhici doono 120 milyan oo euro sidaas darteed ay wakhtigaas la sugayso.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona ugu dambayn saxiixa Matthijs de Ligt kala heshiisay kooxda Ajax oo ay kaliya haatan hadhay in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.