SHAN Tababare Oo Laga Yaabo In Ay Noqdaan Tababaraha Chelsea Kadib Bixitaanka Maurizio Sarri.

Maurizio Sarri ayaa ku sii dhawaanaya kooxda Juventus xilli uu qalinka ku duugi doono heshiis 3 sano ah marka uu isaga tago kooxda cheslea sida laga soo xigtay wargayska The Guardian.

Wargayska ayaa sheegaya in uu tababare Sarri isaga tagi doono kooxda chelsea 11 bilood kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Npaol.

60 jirkan ayaa shaqada Juventus ka badali doona tababare Max Allegri oo isaga tagay kooxda ku guulaystay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkii dhaamaday.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kalsoontahay in ay heli doonto saxiixa Tababaraha iyaga oo bixin doona lacagta 5-ta milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Isla wargayska The Guardian ayaa magacaabay 5 tababare oo u sharaxan in ay shaqada ka badalaan Maurizio Sarri kaas oo isaga tagaya kooxda xagaagan.

Tababarihii hore ee kooxda Juventus Massimiliano Allegri, tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo, tababaraha kooxda Watford ee Javi Gracia, Tababaraha bilaa kooxda ah ee Laurent Blanc iyo Halyeeyga kooxda haatana tababaraha u ah kooxda Derby ee Frank Lampard ayaa ah tababarayaasha u sharaxan in ay noqdaan tababaraha cusub ee Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.