Saddexleyda Ugu Goolasha Badan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Ogaaday

Waxa dhamaaday horyaalada kala duwan ee yurub ee xilli ciyaareedka 2018/2019 waxana la soo ciyaaray kulamo xiiso leh iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed xiiso leh.

Horyaalada ugu waaweyn ee yurub waxa ka ciyaara xiddigo badan oo lamaanayaal ah waliba hogaamiya weerarka kooxdooda goolal badan u dhaliyay kun hogaamiyay guulo xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddigaha kooxda PSG ee MCN ee Mbappe, Neymar iyo Cavani kuwaas oo dhaliyay 66 gool oo horyaalka Ligue 1 ah iyaga oo ah xiddigaha ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Waxa ku xiga xiddigaha kooxda Barcelona ee MSD ee Messi, Suarez iyo Dembele kuwaas oo dhaliyay 65 gool oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Waxa ugu dambeeya xiddigaha Kooxda Liverpool SMF ee Salah, Mane iyo Firmino kuwaas oo dhaliyay 55 gool oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

PSG:

Mbappe, Neymar, Cavani: 66 gool

Barcelona:

Messi, Suarez, Dembele: 65 gool

Salah, Mane, Firmino: 55 gool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.