Saddex Sababood Oo Ka Dambaysay In Uu Adrien Rabiot Ugu Biiri Waayo Barcelona Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot si ay ugu xoojiso khadka dhexe waliba si xor ah ku hesho inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Lakaiin Barcelona ayaa si lama filaan ah uga hadhay baacsiga xiddiga intii lagu jiray suuqii January inkasta oo uu heshiisku u muuqday mid ku dhaw in uu dhamaado.

Wargayska Mundo Depirtivo ayaa haatan shaaca ka qaaday saddex sababood oo ka dambeeyay in uu bur-buro heshiiskii ay Barcelona ku soonaysay saxiixa Adrien Rabiot ama ay isaga hadho baacsiga xiddiga..

1.Barcelona ayaa heshay fursad ay kula saxiixato De Jong

2.Adrien Rabiot oo diiday in uuna ka ciyaarin booska No.6

3.Hooyada dhashay xiddiga ee Veronique Rabiot oo doonaysay in ay 10 milyan oo euro ka hesho Heshiiskii uu wiilkeedu ugu biiryay Barcelona.

Adrien Rabiot ayaan ilaa haatan wax koox ah ku biirin inkasta oo lala xiriirinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United, Arsenal iyo waliba kooxda Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.