Ryan Giggs Oo Si Weyn U Amaanay Saxiixa Cusub Ee Man United Sidoo Kale Tilmaamay Saddexda Boos Ee Uu Sida Cajiibka Ah Uga Ciyaari Karo.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Ryan Giggs ayaa sheegay in saxiixa cusub ee Man United ee Daniel James yahay midkii ugu orodka badanaa ee uu Abid arki intii uu ciyaarayay ama tababaraha ahaa noloshiisa.

James ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib markii ay man United si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixiisa maanta oo Arbaca ahayd.

Da,yarka ayaa ku soo biiray Man United kadib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Swansea City waliba soo dhibay daafacyo badan oo ka ciyaara horyaalka heerka 2-aad ee England ee championship-ka .

Kadib markii maanta lagu dhawaaqay heshiiska Giggs ayaa taageerayaasha Man United waxyaabo xiiso leh uga sii sheegay James ka hor inta ayna arkin isaga oo ciyaaraya.

“Ugu horayn tayadiisa ugu fiican ayaa ah orod”ayuu Giggs yidhi.

“Waxan u jeedaa, waxa laga yaabaa in aanan wali arkin xirfadayda oo dhan qof sidiisa u orod badan”.

“Taas waa la yaab sababta oo ah sida iska cad waxa aan la soo ciyaaray xiddigo badan oo orod badna”.

Waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa boosas dhawr ah ugu horayn waxa uu ka ciyaari karaa dhamaan boosaska 3-da ah ee weerarka waxana uu baqdin ku ridaa daafacyada”.

“Labada lugoodba wuu u ciyaari karaa waxa uu sidoo kale dhalin karaa goolasha si la mid ah caawin karaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.