Ronald de Boer: Matthijs de Ligt Khalad Ayuu Ku Galayaa Ku Biirista PSG, Waa In Uu Labadan Koox Midkood Ku Biiro

Daafacii hore ee kooxda Barcelona ee Ronald de Boer ayaa daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt uga digay in uu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain isaga oo u sheegay laba kooxood oo ay tahay in uu midkood ku biiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ronald de Boer ayaa sheegay in uu daafaca Ajax ee Matthijs de Ligt midkood ku biiro kooxaha Barcelona Man City laakiin uu khalad ku galayo ku biirista kooxda PSG.

49 Jirka ayaa xsharaxay in uuna xiddiga ay isku dalka yihiin fahmi doonin ama la qabsan doonin qaab ciyaareedka kooxda reer France.

“Matthijs de Ligt waa xiddig ka ciyaari kara koox kasta, aniga ahaan waxa fiican in uu ku biiro kooxda Barcelona sababta oo ah waa koox la qaab ciyaareed ah Ajax”ayuu yidhi.

“Waxa uu ku Bilowday Barcelona isaga oo 10 sano jir ah waxana uu leeyahay qaab ciyaareed aad ugu dhaw Barcelona”.

“Uma baahnaanayo in uu la qabsado, waxana uu diyaar u noqonayaa in uu ciyaaro”.

“Dadku waxa ay arkaan marka uu kubada haysto laakiin marka uuna kubada haysan sidoo kale aad ayuu u fiican yahay”.

“PSG waa koox fiican oo leh xiddigo waaweyn laakiin ma ahan koox u ciyaarta qaabka uu u ciyaaro De Ligt”.

“Way ka qaab ciyaareed duwan yihiin qaab ciyaareedkuna waa muhim hadii aad i waydiiso kooxda aan la doonayo waa Barcelona ama Man City”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.