Real Madrid Oo Sheegtay Halka Wado Ee Ku Fasaxayso Mateo Kovacic, Laba Koox Oo Xiiso U Qaba & Chelsea Oo Ka Mid Ah

Kooxda Real Madrid ayaa si cajiib ah ku bilaabatay suuqooda xagaaga kadib markii ay la soo saxiixdeen bishan Xiddigaha Luka Jovic iyo Eden Hazard waxa ay sidoo kale isku diyaarinayaa in ay iska iibiyaan xiddigo dhawr ah oo ka tirsan kooxdooda iyada oo uu ka mid yahay Mateo Kovacic.

Xiddiga reer Croatia ayaa Kooxda Real Madrid kula guulaystay 3 champions League iyo waliba Hal horyaal oo La Liga ah laakiin waxa uu xilli ciyaareedkii hore ku qaatay heshiis amaah ah xilli uu heshiisku dhamaanayo 30 bisha June ee sanadkan waxana uu ku soo laaban doonaa kooxda kadib markii dhamaado heshiiska amaahda ah.

Si kasta ha ahaatee Los Blancos ayaan doonayn in ay sii haysato xiddiga iyada oo uu tababare Zidane doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxdiisa waxana uu ka mid yahay xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iibiso.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid doonayo in ay ku iibiso 25 jirkan lacag dhan 50 milyan oo euro inkasta oo si joogto ah ugu ciyaarin xitaa kooxda chelsea markii uu amahaada kula joogay.

Kovacic ayaa lala xiriirinayaa ama xiiso ka helaya kooxdiisii hore ee Inter Milan halka ay sidoo kale kooxda chelsea doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga reer Croatia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.