Real Madrid Oo Haatanba Iibinaysa Maaliyada Eden Hazard, No.7 Ayuu Xidhan Doonaa.

Inkasta oo aan wali heshiiskiisa Si Rasmi ah loogu dhawaaqin hadana kooxda Real Madrid aya haatanba bilowday iibinta maaliyada xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard sida lagu arkay Store-da maaliyada kooxda Real Madrid.

Maaliyada uu Magaca xiddiga reer Belguim ku qoran yahay ayaa ah No.7 oo uu Baneeyay xiddiga Cristiano Ronaldo haatana xidho xiddiga reer Spain ee Mariano Diaz.

Maaliyada Hazard ayaa lagu iibinayaa lacag dhan 147.95 euros xilli ay taageerayaasha los Blancos haatanba iibsanayaan maaliyada Real ee xilli ciyaareedka dambe oo isla maanta la soo bandhigay.

Sawirka maaliyada ayaa lagu arkay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii ay kooxda Real Madrid isla maanta si Rasmi ah u soo bandhigtay maaliyada xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ka heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Belguim iyada oo la sheegaya in uu ku kacayo lacag dhan 130 Milyan oo euro.

1 Comment

  1. Wuu u qalmaa Hazard number ka la siyey Madama uu yhy hogamiye wanagsan ma taageri lkn ciyartisa ayan jclhy laacibkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.