Real Madrid Oo Haatan Haysata 37 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu dhaq-dhaqaqa badan kooxaha yurub ilaa haatan suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay ilaa haatan 5 xiddig la soo saxiixatay xagaagan.

Imaatinka daafaca reer France ee Ferland Mendy ayaa xiddigaha Real Madrid haatan jooga kor ugu qaaday 37 xiddig kuwaas oo looga baahan yahay xilli ciyaareedka dambe kaliya 25 xiddig.

Tan ilaa markii uu dhamaaday xilli ciyaareedkii niyad jabka lahaa ee ay soo qaadatay kooxdu waxa iska daba imanayay wajiyo cusub.

Inkasta oo xiddigo badan lala xiriirinayo in ay isaga tagayaan kooxda hadana ma jiro xiddig wali ka tagay kooxda ku ciyaarta Estadio Santiago Bernabeu xagaagan.

Los Blancos ayaa samaysay 5 saxiix ilaa haatan halka ay 7 kale ka soo laabteen heshiisyo amaah ah taas oo Real Madrid dhigaysa boos ay si aad ah u doonayso in ay iska iibiso xiddigo.

Keylor Navas, Theo Hernandez, Sergio Reguilon, Marcos Llorente, Dani Ceballos, James Rodriguez, Martin Odegaard, Mateo Kovacic, Gareth Bale, Raul de Tomas & Borja Mayoral ayaa dhamaantood la filayaa in ay isaga tagaan kooxda.

Halka dhanka kale aanu mustaqbalkoodu kala cadayn xiddigaha Andriy Lunin, Luca Zidane, Jesus Vallejo, Brahim Diaz, Isco, Lucas Vazquez & Mariano Diaz.

Halkan kaga bogo 37 xiddig ee jooga Real Madrid haatan:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.