RASMI: Real Madrid Oo Daafaca Ferland Mendy Ka Dhigtay Saxiixeedii 5-aad Ee Xagaagan

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixeedii 5-aad ee suuqa xagaagan iyada oo dhamaystitay saxiixa daafaca Ferland Mendy kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Lyon.

Kooxda Real Madrid ayaa saxiixa Ferland Mendy kala heshiisay kooxda Lyon isaga oo noqday saxiixii 5-aad ee ay kooxda Real Madrid samaysay inta lagu guda jiro suuqa xagaagan.

Real madrid ayaa xaqiijisay in uu 23 jirka reer France qalinka ku duugi doono heshiis 6 sano ah oo uu kooxda ku sii joogo doono ilaa xagaaga 2020.

Ilo wareedyo ku dhaw kooxda Real Madrid ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid soo bandhigi doonto xiddiga Ferland Mendy marka la gaadho 19 bishan kuna beegan Arbacada soo socota.

Ferland Mendy ayaa kooxda Real Madrid kula soo biiraya xagaagan xiddigaha Eden Hazard, Luka Jovic, Rodrygo Iyo Éder Militão kuwaas oo ah xiddigaha ay Real Madrid ilaa haatan dhamaystirtay saxiixooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.