RASMI: Man United Oo Soo Bandhigtay Saxiixa Daniel James, Tababare Solskjaer & Xiddiga Laftiisa Oo Ka Hadlay Dareenkooda.

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaagan iyada oo la soo saxiixatay xiddiga garabka ka ciyaara ee Daniel James kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Swansea City isaga oo haatan sugaya warqada shaqada.

James ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo ku jira heshiiskiisa.

21 jirkan ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay Man United samaysay xagaagan si Rasmi ah maanta qalinka ugu duugay heshiiska uu ku joogi doono man United kadib markii uu soo dhamaystay waajibaadka xulka qarankiisa.

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya saxiixiisa ayaa yidhi” Daniel waa xiddig da,yar ah oo xiiso leh waliba leh farsamooyin cajiib ah iyo waliba orod badan waxana uu xilli ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kooxda Swansea city waxana uu leeyahay astaamo badan oo uu ku noqon karo xiddig Man United ah”.

“Waxa aan ku faraxsnahay in uu ku soo biiray kooxdeena waxana aan sugi laanahay in aan la shaqayno isaga waana mashruuc uu Daniel horumar ku samayn karo”.

Daniel James oo dareenkiisa ka hadlaya ayaa yidhi” Maanta waa maalin ka mid ah maalmihii ugu fiicnaa noloshayda, waana taxadi aan aad u sugi doono, premier League waa mid ka mid ah horyaalada ugu fiican adduunka Man United-na waa meesha ugu fiican ee uu xiddig ku wadi karo horumarkiisa”.

“Wakhtigan waa mid aan aad ugu faraxsanahay aniga iyo waliba qoyskayga, si kasta ha ahaatee waxa aan aad uga xumahay dhimashadii ku timid aabahay iyo waliba in aanan khibrad la wadaagi karin isaga”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.