RASMI: Luka Jovic Oo Si Rasmi Ah Qalinka Ugu Duugay Heshiiskii Uu Ugu Soo Biiray Real Madrid + Qaabkii Loo Soo Bandhigay (Muuqaal).

Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu ugu soo biiray kooxda Real Madrid oo uu kaga soo biiray Eintracht Frankfurt.

Luka Jovic ayaa lagu soo bandhigay garoonka Santiago Bernabue kadib markii uu qalinka iyo warqada si dul dhigay isaga oo si Rasmi ah u noqday xiddig Real Madrid ah iyo waliba xiddigii ugu horeeyay ee la soo bandhigo.

Xiddiga reer Serbia Jovic ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku sii joogo doono kooxda Real Madrid ilaa xagaaga 2025 isaga oo weerarka kula tartamid xiddiga Karim Benzema.

Kooxda Real Madrid ayaa Luka Jovic ka soo bixisay lacag dhan 60 Milyan oo euro oo ay kala heshiisay kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt kuwaas oo uu wacdaro ku soo dhigay xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga oo ka hadlaya dareenkiisa kadib markii la soo bandhigay ayaa yidhi” Waxa aan ahay maanta wiilka ugu farxada badan adduunka kadib markii ay Real Madrid u saxiixay”.

“Waxa aan isku dayi doonaa in aan soo bandhigo wax walba oo aan awoodo si aan u caawiyo kooxda Real Madrid uguna guulaysto koobab”.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabkii Loo Bandhigay Juvic:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.