RASMI: Kooxda Roma Oo Tababare Cusub U Magacawday Paulo Fonseca

Kooxda Roma Ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay tababarihii hore ee kooxda Shakhtar Donetsk ee Paulo Fonseca ka dhigatay tababarohooda cusub.

46 jirkan ayaa joogay horyaalka Ukraine tan ilaa 2016 waxana uu kooxdaas kula jiray heshiis ilaa 2021 dhacaya laakiin kooxda Roma ayaa ku dhalisay in uu wakhti hore ka soo tago kooxdaas.

Tababaraha ayaa kooxda Shakhtar Donetsk kula jiray heshiis ah in ay iska fasaxdo hadii uu kula guulaysto koobka iyo Horyaalka Ukraine xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo sidaas sameeyay.

Tababaraha ayaa horay u soo maamulay kooxaha Pacos Ferreira, Porto & Braga isaga oo kula soo guulaystay koobab badan oo kala duwan.

Fonseca ayaa ku caan baxay qaab ciyaareedkiisa weerarka ah iyo waliba cadaadiska xoogan ee ay kooxdiisu saarto kooxaha kale.

Tababaraha ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu kooxda Roma ku hogaamin doono iyo hal sano oo dookh ah isaga oo mushahar u qaadan doona 2 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.