Rafa Benitez Oo Juventus Ka Caawinaya In Ay Hesho Maurizio Sarri, Chelsea Ayuu Ku Soo Laabanayaa

Tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Rafa Benitez ayaa Juventus ka caawinaya in ay hesho saxiixa Tababare Maurizio Sarri inta lagu jiro xagaagan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Tababaraha reer Spain ee Rafa Benitez ayaa si lama filaan ah loola xiriirinayaa ku laabashada kooxda cheslea taas oo Juventus ka caawinaysa in ay hesho tababare Maurizio Sarri.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea wadahadalo deg-deg ah la qaadatay tababare Benitez si uu tababare ugu noqdo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha reer Spain ayaa Stamford Bridge joogay sanadkii 2012 laakiin waxa uu kooxda kula guulaystay koobka Eurpa League ka hor inta uuna ku biirin kooxda Napoli.

Tan ilaa wakhtigaas waxa uu tababare ka yahay kooxda Newcastle United oo hogaamiyay tan ilaa markii uu kooxda u soo dalacay horyaalka heerka 1-aad ee premier League.

Chelsea ayaa haatana wadahadalo horumar leh kula jirta Tababaraha reer Spain si ay u hesho adeegiisa una hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe shaqadana ka badalo Maurizio Sarri.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea si Rasmi ah ugu dhawaaqi doonto heshiiska tababaraha 48 saac ee soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.