PSG Oo Si Aad Ah Ugu Dhaw Saxiixa Xiddiga Philippe Coutinho

Kooxda Chelsea ayaa lumisay fursad ay kula soo saxiixato xiddiga dhibaatadu ku haysato kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho xilli ay Kooxda PSG si aad ah ugu dhawdahay saxiixa xiddiga reer Brazil

Kooxda chelsea ayaa haatan ku jirta ganaax laba suuq ah oo dusha laga saaray taas oo la macno ah in ayna la soo saxiixan karin wax xiddigo cusub ah.

Taas ayaa ku keentay dhibaato weyn kadib markii uu sidoo kale Eden Hazard ka tagay kuna biiray kooxda Real Madrid todobaadkii hore.

Xiddiga Barcelona ee Coutinho ayay Chelsea u doonaysay badalka Eden Hazard iyaga oo doonayay in ay u dhaqaaqaan adeegiisa xagaagan.

Laakiin kooxda haatan la xaqiijiyay in ayna wax xiddigo cusub ah la soo saxiixan doonin xagaagan taas oo fursad siisay kooxda PSG kuwaas oo ku dhaw saxiixa xiddiga reer Brazil.

Wakiilka Coutinho ee Kia Joorabchian ayaa la sheegayaa in uu wadahadalo kula jiro kooxda PSG iyada oo la rumaysan yahay in uu haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.