Paris Saint-Germain Oo Ku Guulaystay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Matthijs de Ligt

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa daafaca kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt sida uu sheegayo Sky Sport Italia iyaga oo ku garaacay kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Man United ayaa wakhti hore isaga hadhay tartanka da,yarka reer Holland maadama uu doonayo in uu ka ciyaaro tartanka ugu weyn ee champions Leaggue xilli ciyaareedka dambe.

Qiimaha ay kooxda Ajax dul dhigtay xiddiga ayaa ku dhaw 80 milyan oo euro sidaas darteed Barcelona iyo Juventus ayaa marka hore ku qasban in ay xiddigo iibiyaan ka hor inta ayna lacag suuqa galin.

Sida laga soo xigtay saxafiga Gianluca Di Marzio, wakiilka xiddiga ee Mino Raiola ayaa wadahadalo horumar leh kula jira kooxda PSG heshiiska ayaana laga yaabaa in la dhamaystiro maalmaha soo socda.

Waxa laga yaabaa in heshiiska lagu dhawaaqo isla maalinta uu kooxda iman doono agaasimaha cusub ee kooxda ee Leonard kaas oo bishan isaga tagay kooxda Ac Milan.

Matthijs de Ligt ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda Ajax kula guulaystay labada koob ee horyaalka Holland sidoo kale kooxda geeyay Semi-finalka tartanka champions League.

Xiddiga ayaa qirtay in uu isaga tagi doono kooxda Ajax xagaagan isaga oo qirtay in uu kaliya doonayo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.