NASASHADA KOOXDA: Min Rome Ilaa Madrid Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Taariikhda Koobabkii Champions League Ee Ay Liverpool Ku Soo Guulaystay

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay champions League 6-aad ee taariikhdeeda markii ay Tottenham ku garaacday Garoonka Atletico Madrid ee ku yaala caasimada Spain Madrid ee Wanda Metropolitano Stadium.

Reds ayaa 14 sano kadib ku guulaysatay champions League kadib markii ay koobkii ugu dambeeyay ku guulaysatay sanadkii 2005 markaas oo ay ka qaadeen kooxda reer Italy ee Ac Milan.

Liverpool ayaa koobkeedii ugu horeeyay ee Yurub ku guulaystay sanadkii 1977 markaas oo ay Ka qaaday kooxda reer Germany ee Borussia Mönchengladbach kulankaas oo ka dhacay Caasimada Italy ee Rome gaar ahaan garoonka kooxda Roma ee Stadio Olimpico

Reds ayaa mar kale difaacatay koobka champions League xilli ciyaareedkii 1978 markaas oo ay ka qaaday kooxda reer Belguim ee Club Brugge kulan ka dhacay caasimada England ee London gaar ahaan garoonka caanka ah ee Wembley Stadium.

Xilli ciyaareedkii 1981 ayay Liverpool mar kale noqotay geesiyada yurub markii ay ku guulaystay champions league 3-aad ee taariikhdeeda iyada oo markan ka qaaday kooxda Real Madrid kulan ka dhacay garoonka kooxda PSG ee Le Parc des Princes kana dhisan caasimada dalka Spain.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii 1984 mar kale ku guulaystay koobka ugu tunka weyn yurub iyada oo markan ka qaaday kooxda Rome kulan ka dhacay garoonka kooxda Roma ee Stadio Olimpico kuna yaala caasimada dalka Italy.

2005 ayaa noqday xilli ciyaareed kale oo ay Liverpool kor u qaaday koobkeedii 5-aad ee yurub iyada oo caasimada Turkey-ga ee Isanbul kaga qaaday kooxda Ac Milan kulan taariikhi ah oo ay sameeyeen soo laabasho cajiib ah kadib markii 3 gool looga horeeyay qaybtii hore.

Ugu dambayn xilli ciyaareedkan 2019 ayay Liverpool ku guulaystay koobkeedii 6-aad ee champions league iyada oo ka qaaday kooxda Tottenham kulan ka dhacay caasimada Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.