Muxuu Agaasimaha Man United Ee Ed Woodward Tababare Ole Gunnar Solskjaer Uga Sheegay Baacsiga Ay Ugu Jiraan Daafaca Harry Maguire?

Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay mashquul ahaato suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ula soo saxiixato xiddigo ay ku xoojiso kooxdeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Agaasimaha kooxda Man United ee Ed Woodward ayaa la sheegayaa in uu tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer u balan qaaday in uu ku taageeri doono suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo ay Red Devils ku rajo weyn tahay in ay hoos u dhigto qiimaha daafaca Harry Maguire.

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayay daafaca Kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt laakiin waxa la sheegayaa in uu xididgaas ku biiri doono midkood kooxaha Barcelona Ama PSG.

Taas ayaa keentay in ay u leexdaan dhanka daafaca kooxda Leicester Cit ee Harry Maguire kaas oo lala xiriirinayay man United 12 bilood ka hor.

Inkasta oo ayna Man United ogolayn in ay miiska saarto lacagta 70 milyan ee ay Leicester City ku iibinaysay xiddiga markii uu jose Mourinho joogay kooxda sanad ka hor hadana wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in agaasimaha Man United uu suuqa ku taageeri doono tababare Solskjaer xagaagan.

Tababare Solskjaer ayaa kooxda Man United hogaamin doona xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxana uu la soo saxiixday saxiixii ugu horeeyay todobaadkan isaga oo dhamaystiray xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Swanse City ee Dnaile James.

United ayaa haatan dareenkeeda u jeedin doonta xoojinta dhanka daafaca iyada oo doonaysa daafaca dhexe ee Harry Maguire iyo garabka midig ee daafaca ee Aaron Wan-Bissaka.

Kooxda Leicester City ayaa la fahamsan yahay in ay dalbanayso lacag dhan 90 milyan oo euro si ay u fasaxdo Maguire laakiin kooxda 20 premier League ku guulaysatay ayaan wali ka hadhin saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.