Matthijs de Ligt Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Dortay Ku Biirista Barcelona & Lionel Messi Oo Sabab U Ah

Da,yarka daafaca uga ciyaara kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo iska diiday kooxaha kale ee PSG, Liverpool iyo Man United.

Joogista Barcelona ee Lionel Messu ayaa lagu soo waramayaa in ay fure u tahay doorashada Matthijs de Ligt ee ku biirista kooxda Barcelona ee xagaagan.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in da,yarka qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxo kale oo reer yurub ah.

Markii hore waxa si weyn loogu malaynayay in uu da,yarku dooran doono kooxo kale sida PSG, Man United iyo Liverpool kadib markii ay Barcelona diiday in ay bixiso lacagta badan ee ku baxaysa heshiiska.

Si kasta ha ahaatee Matthijs de Ligt ayaa go,aansaday in uu ku biiro kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu ka garab ciyaaro xiddiga Lionel Messi Barcelona kula biiro saaxiibkiisii hore ee Frenkie de Jong.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay saxiixa xiddiga ku dhamaystirto lacag dhan 75 milyan oo euro isaga oo noqon doona xiddig Barcelona ah todobaadyada soo socda.

2 Comments

  1. HayaaaY Daafaca Barcelona Naxaas Buu NoqonaYa WlhY Bilahi Tolahi
    Waaa WareeeeY #Matthjis De LigHt Ku Sugi LanahaY Welcome❤😢

Leave a Reply

Your email address will not be published.