Man United Oo Kor U Qaadaysa Dalabka Ay Ku Doonayso Aaron Wan-Bissaka, Imisa Ayay Haatan Diyaar La Tahay?

Kooxda Man Unite ayaa diyaar u ah in ay kor u qaado dalabka ay ku doonayso saxiixa daafaca Midig ee kooxda Crystal Palace iyo xulka qaranka England ee Aaron Wan-Bissaka sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Man United ayaa laga soo diiday dalab Rasmi ah oo dhan 40 Milyan oo euro oo ay ku doonaysay xiddiga Aaron Wan-Bissaka laakiin waxa ay haatan diyaar u tahay in ay kor u qaado dalabka ay ku doonayso 21 jirka reer England.

Man United aya diyaar u ah in ay kor ugu qaado dalabkeeda 50 milyan oo euro si ay u hehso da,yarka reer England si ay ugu xoojiso daafaca xilli ciyaareedka dambe.

Tababre Ole Gunnar Solskjaer ayaa Wan-Bissaka u calaamadsaday xiddiga buuxin doona daafaca Midig ee mustaqbalka fog.

Bixitaanka Antonio Valencia ee xagaagan, da,da Ashlye Young iyo Khibrad la,aanta Diogo Dalot ayaa Man United ku keenay in ay u dhaqaaqaan saxiixa Wan-Bissaka.

Inkasta oo ay Crystal Palace dalbatay 60 milyan oo euro hadan United ayaa ku kalsoon in ay 50 Milyan oo euro ku heli doonto saxiixa Wan-Bissaka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.