Man United Oo Faa,iido Ku Qabta Ku Biiristii Eden Hazard Ee Real Madrid, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka faa,iidayso ku biirista xiddiga Eden Hazard ugu biiray kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaa xalay si Rasmi ah uu dhawaaqday Saxiixa Eden Hazard kaas oo ay kala wareegtay kooxda Chelsea kadib wadahadalo muddo dheer socday.

Man United ayaa ka faa,iidaysa ku biirista Hazard ee kooxda Real Madrid iyada oo loo soo bandhigi karo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Man United si lama filaan ah uga faa,iidayso ku biirista Hazard ee Real Madrid maadama ay Los Blancos isku dayi doonto in ay iska fasaxdo xiddiga reer Colombia xagaagan.

James Rodriguez ayaa adduunka ka yaabsaday koobkii adduunka ee 2014 taas oo keentay in ay Real Madrid u dhaqaaqdo adeegiisa kalana soo wareegto kooxda Monaco oo uu joogay.

Laakiin xiddiga ayaa ka baxay qorshaha Real madrid taas oo keentay in uu heshiis amaah ah oo 2 sano ah ugu biiro kooxda Bayern Munich.

Kadib markii ay dhamatay heshiiskii amaahda ahaa James Rodriguez ayaa la sheegayaa in uu Bayern Munich u sheegay in ayna si toos ah ula wareegin si uu ugu laabto Madrid.

Sidaas darteed wargayska ayaa haatan sheegaya in ay Real Madrid si toos ah u iibin doontao James Rodriguez xagaagan kadib markii ay dhamaystireen saxiixa xiddiga Eden Hazard iyada oo waliba laga yaabo in loo soo bandhigo saxiixa xiddiga kooxda Man United xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.