Man United Oo Diyaarsatay Badalka Aaron Wan-Bissaka Hadii Ay Ku Fashilmaan Helitaanka Saxiixiisa

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diyaarsaday badalka Aaron Wan-Bissaka kadib markii ay kooxda Crystal Palace diiday dalab 40 Milyan oo euro ah oo ay Red Devils ku doonaysay saxiixa xiddiga reer England.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa calaamadsaday daafaca kooxda Norwich City ee Max Aarons kaas oo uu u doonyo badalka Aaron Wan-Bissaka hadii uu ku fashilmo adeegiisa.

Man United ayaa la sheegayaa in ay dalab cusub oo dhan 50 Milyan ah kula laaban doonto kooxda Crystal Palace laakiin kooxda ayaa doonaysa lacag dhan 60 Milyan si ay u fasaxdon 21 jirka reer England.

Taas ayaa keentay in uu tababare Solskjaer raadiyo xiddigo kale oo badal ah isaga oo arkay xiddiga kooxda Norwich city ee Aarons sida laga soo xigtay Sky Sport.

Aarons oo 19 jir ah ayaa kooxda 1-aad ee Norwich City u saftay bishii August waxana uu door muhiim ah ka ciyaaray u soo dalicista Norwich ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Xidddiga ayaa loo magacaabay da,yarkii ugu fiicnaa ee tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore isaga oo sidoo kale ku soo baxay shaxda ugu fiican ee horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.