Man United Oo Barcelona Wadahadalo Kala Furtay Xiddig Khadka Dhexe Uga Ciyaara

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddigo iska iibiso inta lagu jiro xagaagan si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda xagaagan si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto champions League kadib niyad jabkii ay ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore.

Mid ka mid ah xiddigaha ay doonayso in ay iibiso ayaa xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic kaas oo xiiso waali ah ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah oo doonaya adeegiisa.

Haatan kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona si ay u helaan xiddiga Ivan Rakitic inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Man United ayaa doonaysa in ay xiddigo ku soo darto kooxdeeda si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto koobab kadib xilli ciyaareed aad u liitay oo ay soo qaatay xilli ciyaareedkii hore.

Ivan Rakitic ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona laakiin waxa loo sheegay in ayna kooxdu heshiis cusub u soo bandhigi doonin sidaas darteed ay tahay in uu isaga tago kooxda.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa Man United u sheegtay in ay si dheer jeebka gacanta u galiso miiskana saarto lacag aad u badan hadii doonayso saxiixa xiddiga khabiirka ah xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.