Luka Jovic Oo Noqon Doona Saxiixa Ugu Horeeya Ee Real Madrid Soo Bandhigi Doonto & Wakhtiga La Soo Bandhigayo Oo La Shaaciyay

Xiddiga reer Serbia ee Luka Jovic ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee ay kooxda Real Madrid soo bandhigi doonto laguna soo bandhigi doono garoonka Estadio Santiago Bernabeu kadib markii ay la soo saxiixatay xiddiga weerarka ka ciyaara.

Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxiixa Luka Jovic todobaadkii hore iyaga oo kala soo wareegay kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt.

Real Madrid aya xaqiijisay in ay Luka Jovic soo bandhigi doonto maalinta Salaasada oo ku beegan maalinta bari ah marka la gaadho 3:00 Galabnimo ee wakhtiga geeska Africa.

Xiddiga reer Serbia ayaa garoonka ku soo bandhigi doona farsamooyinkiisa sidoo kale salaami doona taageerayaasha Kooxda Real Madrid ka hor inta uuna shir ku qaban doona garoonka Santiago Bernabue.

Luka Jovic ayaa noqon doona xiddiga ugu horeeya ee ay Real Madrid soo bandhigto isaga oo ay ku xigi doonaan xiddigaha Eden Hazard, Rodrygo Goes Iyo Eder Militao.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.