Lucas Torreira Oo Albaabka U Furay In Uu Isaga Tago Arsenal Hal Sano Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray, Horyaalkee Ayuu Doonayaa?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torriera ayaa xilli ciyaareed fiican ku soo qaatay sanadkiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid doonaya in uu haatanba boorsooyinkiisa isaga qaato kooxda Arsenal iyo premier League.

Xiddiga reer Uruguay ayaa Gunners ugu soo biiray xagaagii hore 26 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray kooxda Sampdoria laakiin u muuqda mid haatanba doonaya in uu ku laabto Italy isaga oo Albaabka u furay arintaas.

Torriera ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican khadka dhexe kooxda Arsenal isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kana mid noqday xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda tababare Unai Emery laakiin u muuqda mid doonaya in uu isaga tago kooxda hal xilli ciyaareed kadib.

Torreira ayaa wargayska outlet Ovacion u sheegay”Ma garanayo in ay jiraan waxyaabo badan oo aan ku raaxaystay England, uma malaynayo in ay ka fiicantahay Italy, England gabi ahaan waa adduunk ka duwan Italay, dal aad u weyn”.

“Dhibaatada Luuqada ayaa ilaa haatan i hor taagan, in aan la xiriiro xiddigaha aan isku kooxda nahay iyo waliba dadka, waa dhibaato weyn marka aanad hadali karin”.

Warkan ayaa imanaya xilli uu xiddiga Torriera xiiso ka helayo kooxda Ac Milan kuwaas oo uu la wareegay tababarihii hore ee kooxda Sampdoria ee Marco Giampaolo oo ay si aad ah isugu dhawaayeen Torriera.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.