Liverpool Oo Ku Dhaw Saxiixa Nicolas Pepe & Faah-Faahinta Heshiiskiisa Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid ku guulaystay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille iyo xulka qaranka Ivory Cost ee Nicolas Pepe sida ay sheegayaan wararka Ka imanaya dalka France.

Wargayska L’Équipe ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool u muuqata mid ku guulaystay saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe kaas oo noqon Kara saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool ee xagaagan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar ula tahay kooxda Lille lacag dhan 80 Milyan oo euro si ay u hesho xiddiga reer Ivory Cost inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Liverpool ayaa xiddiga 24 jirka ah usoo bandhigtay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaagan 20204 kaas oo ah heshiis 4 sano ah

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay Liverpool da,yarka mushahar ahaan u siin doonto lacag dhan 3 milyan oo euro sanadkii iyo waliba lacago Guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedkiisa.

Nicolas Pepe ayaa soo jiitay indhaha kooxda waaweyn ee reer yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.