Liverpool Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Alex Oxlade-Chamberlain, Imisa Ayuu Gaadhayaa?

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Alex Oxlade-Chamberlain kadib markii uu si buuxda uga soo kabsaday dhaawac uu muddo dheer kaga maqnaa kooxda.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dhaawac ku seegay muddo sanad ah kadib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay Semi-finalkii tartanka champions League lugtii 1-aad ee ay Liverpool la ciyaaraysay kooxda Roma xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga ayaa dhaawac ka soo kacay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii dhamaaday laakiin aan kulamo badan u ciyaarin maadama uu tababar ku jira.

Laakiin Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la filayaa in uu tababarka isku diyaarinta ku bilaaban doono xilli ciyaareedkan isaga oo ka qayb ahaan doona qorshaha Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis 12 bilood ah ka saxixato Alex Oxlade-Chamberlain si uu kooxda u sii joogo ilaa xagaaga 2023 iyaga oo heshiiska ugu dari doona halkii sano ee uu dhaawaca ku maqnaa.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Liverpool haatan ku dhawdahay in ay ku dhawaaqdo heshiiska halka sano ee ay ka saxiixan doonto xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.