Lionel Messi Oo Dhaliyay 2 Gool Kulan Uu Xulka Argentine 5 Gool Xusuuqay Nicaragua

Lionel Messi ayaa kaliya u baahnaa 45 daqiiqo si uu u dilo xulka Nicaragua kulan uu xulka Argentine isugu diyaarinayay koobka Copa America kadib markii ay guul 5/1 ah ka gaadheen xulka qaranka Nicaragua.

Messi ayaa dhaliyay 2 gool qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta aan badal lagu samayn qaybtii Nasashada si uu tababaruhu daqiiqado u siiyo xiddigaha kale ee ka qayb qaadan doona koobka Copa America Bishan.

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa sidoo kale laba gool oo kale u dhaliyay xulka qarankiisa ka hor qaybtii hore ee ciyaarta halka uu goolka kale dhaliyay xiddiga Roberto Pereyra ka hor inta ayna kooxda Nicaragua dhalin goolka iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Juan Barrera.

Xulka qaranka Argentina ayaa bilaaban doona koobka Copa America marka ay Sabtida dambe la ciyaari doonaan kooxda Colombia kulan ka dhici doona Salvador de Bahía.

Lionel Messi oo ay u badantahay in uu xulka qaranka Argentine u ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee koob Rasmi ah ayaa ku rajo weyn in uu ku guulaysto koobkiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka Argentine.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.