Lama Filaan: Barcelona Oo Wakhti Hore Dhamaystirtay Saxiixa Antoine Griezmann & Heshiis Qoraal Ah Oo Dhex Maray Xiddiga & Barcelona.

Saxaafada dalka Spain ayaa goordhawayd qarxiyay lama filaan ay ku sheegayaan in ay kooxda Barcelona dhamaystirtay saxiixa xiddiga Kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Idaacada Cadena SER ayaa sheegaya in ay jirto heshiis qoraal ah oo dhexmaray kooxda Barcelona iyo Antoine Griezmann kaas oo xaqiijinaya in uu xiddiga reer France ku biiri doono kooxda Barcelona 1 bisha July ee soo socota.

Idaacada oo aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegtay in ay kooxda Barcelona dhamaystirtay saxiixa xiddiga Antoine Griezmann waliba heshiisku u dhacay qaab qoraal ah oo Rasmi noqon doona 1 bisha July marka ay lacagta heshiiskiisa lagu bur-burinayo noqoto 120 milyan oo euro.

Idaacada Cadena SER ayaa intaas raacinaysa in ay Barcelona iyo xiddigu sidoo kale ka heshiiyeen qiimaha mushaharka uu xiddigu qaadan doono oo dhan 17 milyan oo euro sanadkii kadib markii uu ogolaaday in uu hoos u dhigo lacagta 23-ka milyan ee uu kooxda Atletico Madrid ka qaato.

Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid ka hor dhamaadkii xilli ciyaareedkii dhamaaday inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxa sidoo kale Barcelona u fududaynaya hehsiiska xiddiga in ayna Atletico Madrid wax wadahadalo ah la galin koox kale oo doonaysa adeega xiddiga reer France ee Antoine Griezmann.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.