La Ogaaday: Daniel James Oo Aan Ahayn Dookha 1-aad Ee Man United & Xiddiga Ay Markii Hore Doonayeen Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Swansea City ee Daniel James kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Man United ee xagaagan laakiin xiddiga ayaan ahayn dookhii 1-aad ee kooxda Man United ee ay doonayeen in ula soo saxiixdaan booskaas.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in uu tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer doonayay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bournemouth Ryan Fraser laakiin markii dambe u dhaqaaqay saxiixa Daniel James.

Sababta ay Man United isaga hadhy Ryan Fraser uguna dhaqaaqday saxiixa Daniel James ayaa ah in ay kooxda Bournemouth dalbatay lacag dhan 40 milyan oo euro taas oo ay United u aragtay lacag badan.

Sidaas darteed United ayaa dareenkeeda u jeedisay Daniel James kaas oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 18 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunada ah.

Wararka ayaa intaas raacinaya in uu tababare Solskjaer ka niyad jabay xiddigaah dalka England u dhashay sabab la xidhiidha in ay aad u qaali yihiin kooxohooduna lacag badan dalbanayaan.

Daniel James ayaa noqon doona bilowga suuq xagaa oo mashquul ah oo ay qaadan doonto kooxda Man United xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.