Kadib Matthijs de Ligt, Cristiano Ronaldo Oo Xididg Real Madrid Jooga Ku Shukaaminaya In Uu Kula Biiro Juventus

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isku badalay wakiil kooxda Juventus ah maalmihii ugu dambeeyay isaga oo si gaar ah ula hadlaya xiddigaha si uu ugu qanciyo in ay kula biiraan kooxda Juventus.

Da,yarka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa shaaca ka qaaday in uu Ronaldo u sheegay in uu kula biiro kooxda Juventus kadib finalkii UEFA National League ee uu xulka qaranka Portugal ku guulaystay.

Waxa ay u muuqataa in uu Cristiano Ronaldo arintaas sii wadi doono isaga oo haatan isku dayaya in uu xidiga kooxda Real Madrid ee Marcelo ku qanciyo in uu kula biiro kooxda Juventus xagaagan.

Wargayska TuttoSport ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo la xiriiray xiddiga reer Brazil ee Marcelo si uu ugu qanciyo in uu Kula biiro kooxda Juventus xagaagan.

Booska Marcelo ee kooxda Real Madrid ayaa khatar ku jira xilli ay kooxda Real Madrid ku dhawdahay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Lyon ee Ferland Mendy.

Isaga oo arintaas adeegsanaya ayuu Cristiano Ronaldo Marcelo u sheegay in uu kula biro kooxda Juventus xagaagan si ay mar kale isaga garab ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Waxa xusid mudan in Marcelo iyo Cristiano Ronaldo ahaayeen xiddigaha isugu dhaw intii uu Cristiano Ronaldo joogay kooxda Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.