Kadib Eden Hazard, Real Madrid Oo Bilowday Soo Xero Galinta Paul Pogba & Gareth Bale Oo Ka Caawin Doona.

Kadib dhamaystirkii saxiixa Eden Hazard kooxda Real Madrid ayaa bilowday Hawl galkeeda soo xero galinta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba iyaga oo doonaya in uu Pogba Hazard kula soo biiro kooxda Real Madrid waliba Gareth Bale u isticmaali doona sidii ay u dhamaystiri lahaayeen heshiiska.

Hazard ayaa si Rasmi ah u dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Real Madrid isaga oo ugu biiray kooxda lacag dhan 100 milyan oo euro iyada oo si Rasmi ah loo soo bandhigi doono Khamiista.

Zinedine Zidane ayaana doonaya in uu marka xigta helo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay Man United lacag iyo waliba xiddiga Gareth Bale isugu darto si ay u hesho xiddiga khadka dhexe marka loo eego in ay man United u baahantahay xiddig garabka uga ciyaara.

Kooxda Man United ayaa xiddiga Paul Pogba ku qiimaysa lacag dhan 130 milyan oo euro laakiin waxa Gareth Bale loo isticmaali karaa qayb ka mid ah heshiiska si ay labada kooxood uga heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Zidane ayaa haatanba la soo saxiixday xiddiga Luka Jovic waxana uu sidoo kale helay haatan Eden Hazard taas oo haatan ka dhigaysa in uu u baahan yahay xiddig khadka dhexe ku fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.