Inter Milan Oo Wadahadalo Ay Ku Doonyaso Romelu Lukaku Kula Jirta Man United

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United kula jirto wadahadalo ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Romelu Lukaku.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga isaga oo uu Conte u doonayo weeraryahankiisa 1-aad.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lukaku ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 7.5 milyan euro iyo waliba lacago guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedkiisa.

Kooxda Inter Milan ayaa haatan wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Man United kuwaas oo doonaya lacag dhan 70 Milyan oo euro si ay u iibiyaan xiddiga weerarka uga ciyaara.

Dhanka kale xiddiga ayaa qirtay in uu ku riyoonayo ka ciyaarista horyaalka Serie A-da isaga oo kooxdiisa Man United u sheegay in ay u ogolaadaan in uu ku biiro kooxda Inter Milan.

Antonio Conte oo haatan ah tababaraha Inter Milan ayaa taageero weyn u ah xiddiga isaga oo adeegiisa doonayay xitaa markii uu tababaraha ka ahaa kooxda Chelsea ka hor inta ayna Man United ku guulaysan adeegiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.