Hordhac: Portugal vs Holland: Xulka Guulaysta Oo Markii Ugu Horaysay Ku Guulaysan Doona UEFA National League

Kulan xiiso leh ayaa dhex mari doona xulalka Holland iyo Portugal kana tirsan Finalkii ugu horeeyay ee tartanka UEFA National League Kana dhici doona garoonka Estádio do Dragão.

Labada Xul ayaa ka soo hadhay xulal aad u badan oo ka qayb galay tartanka oo markii ugu horaysay la qabtay laguna jiro xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Xulka Portugal ayaa soo jiidhay xulka Switzerland si uu u gaadho Finalka tartanka UEFA National League oo lagu qaban doono dalka Portugal gaar ahaan garoonka kooxda Fc Porto.

Xulka qaranka Holland ayaa dhnkooda si qurux badan u soo dhaafay xulka qaranka England iyaga oo gaadhay Finalka tartanka UEFA National League.

Kulanka: Portugal Vs Netherland

Tartanka: UEFA National League

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Estádio do Dragão.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 15-aad ee ay isaga hor yimaadaan laabda xul, xilli Portugal hogaaminayo kulamada waji-ka wajiga ah iyaga oo badiyay 7 kulan halka xulka Holland badiyay 2 kulan xilli ay bar-baro ku kala bexeen 5 kulan oo kale.

Xulka Holland ayaa gaadhay guul 3/0 ah markii ugu dambeeyay ee ay labada xul kulmaan kulan ahaa saaxiibtinimo oo dhacay bishii March 2018 laakiin Portugal ayaa 2/1 ku garaacday Portugal kulankii ugu dambeeyay ee Rasmiga ahaa oo dhacay Euro 2012 markaas oo ay ku kulmeen wareega 16-ka.

Xulka Portugal ayaa sidoo kale garaacay Holland Semi-finalkii Euro 2004 halka ay wareegii 16-ka ee koobkii adduunka ee 2006 mar kale ku garaaceen.

6 Comments

  1. Waxaan tageere wayn u ahay Holland iyaga ayaa badin kuna guulaysan koob ka halka purtugal isku halayn wadankooda iyo garsoorka laakiin taasi kama hor istaagayso in Holland qaado koobka

Leave a Reply

Your email address will not be published.