Hordhac: Brazil Vs Bolivia Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Furitaanka Koobka Copa America Brazil 2019.

Xulka Brazil ayuu cadaadis weyn saarnaan doonaa marka ay caawa bilowdaan marti galinta tartanka Copa America, Lionel Messi ayaa si aad ah u doonaya in uu ka boxo abaarta koob la,aanta xulka qaranka Argentine, halka uu James Rodriguez doonayo in uu mar kale isku muujiyo koob weyn oo ay indhaha adduunku hayaa.

Waa sheekada kooban ee tartanka Copa America oo markii 46-aad ee taariikhda la qaban doono kaas oo caawa ku bilaabmi doona kulanka Brazil la ciyaari doonto xulka Bolivia.

Dhaawaca Neymar ayaa si weyn looga tabi doonaa tartanka laakiin koobka ugu taariikhda weyn ayaa si buuxda caawa u soo jiidan doona idnaha adduunka.

Xulka qaranka Brazil ayaa caawa doonaya in uu ku bilowdo guul kulankiisa ugu horeeya marka uu caawa la ciyaari doono xulka Bolivia kaas oo doonaya in ay ka yaabsadaan xulka Brazil.

Kulanka: Brazil Vs Bolivia

Tartanka: Copa America

Wakhtiga: 3:30 Habeenimo

Garoonka: Estadio do Morumbi/Cicero Pompeu de Toledo

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 30-aad ee dhex mara xulalka Brazil iyo Bolivia iyada oo uu xulka Bolivia badiyay kaliya 5 kulan halka uu xulka Brazil dhaliyay 20 kulan.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa ah midkii ku dhamaaday bar-baraha gool la,aanta ah laakiin xulka Brazil ayaa garaacay Bolivia 3-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo ka dhaliyay 9 gool.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labada xul ku wada ciyaareen dalka Brazil ayuu xulka Selecao 5/0 ku garaacay Bolivia halka marka kaliya ee ay Bolivia ka fogaatay in ay guuldaro kaal kulanto Brazil ahayd kulan ku dhamaaday 0/0 kulan ka tirsnaaa is reeb-reebkii koobkii adduunka 2010.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.