Griezmann, De Gea, Fekir, Bale, De Ligt, Ndombele, Lukaku, Pogba & Wararii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Agaasimaha Kooxda Atletico Madrid ee Miguel Angel Gil Marin ayaa xaqiijiyay in uu Antoine Griezmann ku biiri doono kooxda Barcelona xagaagan (Sport).

Man United ayaa doonaysa in ay isku day wakhti dambe ah Barcelona kaga afduubato saxiixa xiddiga Antoine Griezmann iyaga oo Atletico Madrid diyaar ula ah 95 milyan (Sun).

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu hal sano Nasasho ka qaadan doono kubada cagta kadib dhamaadka xilli ciyaareedka dambe (Independent).

Kooxda Liverpool ayaa dib u soo cusboonaysiin doonta xiisihii ay u qabtay kubad sameeyaha kooxda Lyon ee Nabil Fekir laakiin ma bixin doonto 53-kii milyan ee ay markii hore Lyon kula heshiiyeen xagaagii hore (Le Progres).

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa soo gaadhay London si uu u dhamaystiro heshiiska tababare Muarizio Sarri (Calciomercato).

Kooxda chelsea ayaa diidi doonta in ay fasaxdo Tababare Maurizio Sarri ilaa inta ay Juventus miiska saarayso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Mail).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri oo lala xiriirinayo kooxda Juventus ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Stamford Bridge (Star).

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale iyaga oo Real u sheegay in ayna wax niyad ah u hayn helitaanka saxiixa xiddiga (Evening Standard).

Wakiilka daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa la kulmay agaasimaha kooxda PSG ee Antero Henrique xilli ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa 18 jirkan (RMC Sport).

Kooxda PSG ayaa Matthijs de Ligt ka saxiixan doonta heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 12 milyan oo euro (ESPN).

Kooxda Chelsea ayaan si toos ah ula wareegi doonin xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic (Mail).

Kooxda Ac Milan ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Dejan Lovren xilli ay Reds dul dhigtay xiddiga 25 milyan oo euro (Sky Sports).

Kooxda Man United ayaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ku fasixi doonin wax ka yar 150 milyan oo euro xagaagan (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Saint-Etienne oo ay ka doonayso 18 jirka daafaca dhexe ka ciyaara ee William Saliba (Le10Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqi karta saxiixa Goolhayaha Kooxda Madrid ee David de Gea  Xagaagan (Star).

Wakiilka daafaca Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa beeniyay in uu u safray France si uu u dhamaystirto saxiixa uu daafaca Matthijs de Ligt ugu biirayo kooxda PSG (Express).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.