Gonzalo Higuain Oo Juventus Ka Caawin Kara Dhamaystirka Saxiixa Maurizio Sarri

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea amaahdana uga maqan kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa fure u noqon kara in uu tababare Maurizio Sarri dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Juventus inta lagu jiro xagaagan.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay qiimo dhimis 9 milyan oo euro ah u samayn doonto kooxda chelsea kana mid ah heshiiskii amaahda ee uu Gonzalo Higuain ugu soo biiray kooxda si ay Chelsea ugu ogolaato in ay iska fasaxdo tababare Sarri.

Ku dhawaaqista ay chelsea isaga fasaxayso tababare Sarri ayaa la filayaa Isniinta isaga oo heshiis 3 sano ah u saxiixi doona kooxda Juventus 48 saacadood kadib.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay wakiilada Maurizio Sarri iyo madaxda chelsea kulamo wada qaateen maalmihii ugu dambeeyay si ay u raadiyaan heshiis labada dhinac ah.

Kooxda chelsea ayaa doonaysa lacag 5 milyan ah oo lagu bur-burin karo heshiiska hal sano ee u hadhay tababare Maurizio Sarri.

Laakiin kooxda Juventus ayaa la sheegayaa in ay chelsea qiimo dhimis 9 milyan ah u samayn doonto heshiiska amaahda ah ee ay ku haysato xiddiga Gonzalo Higuain.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.