Eriksen, Dier, Buffon, Rashford, Alonso, Pogba, Mane & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa dhamaystirka saxiixa Paul Pogba iyada oo waliba Man United miiska u saari doonta xiddiga Gareth Bale (Mirror).

Paris Saint-Germain ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa daafaca Matthijs de Ligt waxana ay waliba diyaar u tahay in ay xididga u laba jibaarto mushaharka ay Barcelona diyaarka ula tahay (Mirror).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong ayaa xiddiga ay isku xulka yihiin ee Matthijs de Ligt kula taliyay in uu kula biiro Barcelona xagaagan (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay hal talaabo u jirto dhamaystirka saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Yannick Carrasco (Star).

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku noqon doono tababaraha kooxda Juventus (Guardian).

Kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Christian Eriksen hadii ay ku fashilmaan xiddiga Man United ee Paul Pogba (Independent).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Eric Dier si ay ugu buuxiso khadka dhexe (Time).

Kooxda Barcelona ayaa beenisay wararka sheegaya in ay u dhaqaaqayso saxiixa Goolhayaha khabiirka ah ee Gianluigi Buffon (Mundo Deportivo).

Kooxda Barcelona ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford hadii ay ku fashilmaan saxiixa xiddigaha Antoine Griezmann ama Neymar (Mail).

Kooxda Atletico Madrid ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso (Goal).

Kooxda Liverpool ayaa kooxaha Man United iyo Tottenham kula biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes (Mirror).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe ayaa iska diiday kooxaha Man United iyo Liverpool isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Bayern Munich (Sun).

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay 175 milyan oo euro ku doonayso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane (L’Equipe).

Kooxda Juventus ayaa isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba maadama ayna awood u lahayn in ay bixiso 150 milyan oo euro (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay xiisihii ay u qabtay xiddigaha Jadon Sancho iyo Declan Rice sabab la xidhiidha in ay kooxohoodu diideen in ay iibiyaan (TEAMtalk).

Kooxda Real Madrid ayaa sugi doonta tijaabada caafimaadka 2-aad ka hor inta ayna ku dhawaaqin saxiixa daafaca kooxda Lyon ee Ferland Mendy (Diario AS).

Kooxda Inter Milan ayaa dhigeeda Real Madrid wax ka waydiisay saxiixa xiddigaha Marco Asensio, Nacho & Mateo Kovacic (Calciomercato).

Kooxda Inter Milan ayaa xiddiga khadka dhexe ee Radja Nainggolan u sheegtay in uu isaga tago kooxda isaga oo doonaya in uu ku laabto kooxda Roma (Corriere della Sera).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.