El Hadji Diouf Oo Magacaabay 4 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Qaarada Africa

Halyeeyga reer Senegal ee El Hadji Diouf ayaa magacaabay dhaw xul oo u sharaxan ku guulaysiga koobka qaarada Africa ee sanadkan lagu qaban doono dalka Masar ee bilaabmi doona 21 bishan aynu haatan ku jirno.

El Hadji Diouf ayaa sheegay in uu xulka Masar yahay midka ugu cad-cad in uu ku guulaysto koobka qaarada Africa sabab la xidhiidha in dalkooda lagu ciyaari doono.

Isaga oo la hadlaya beIN SPORTS ayuu yidhi” Senegal ma ahan xul u sharaxan ku guulaysiga koobka sanadkan, Xulk Masar ayaa si xoogan ugu sharaxan sabab la xidhiidha in dalkooda lagu qabanayo”.

“Way adagtahay in xulka qaranka Masar looga badiyo dhulkooda, inkasta oo uu xulka Senegal yahay mid aad u adag hadana way adagtahay in Masar looga badiyo dhulkooda sidaas darteed iyaga ayaa ugu sharaxan”.

“Waxa sidoo kale koobka u sharaxan xulka Nigeria halka ay sidoo kale jiraan xulalka Algeria, Morocco kuwaas oo sidoo kale u sharaxan ku guulaysiga koobka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.