Eden Hazard Oo Abaalmarin Lagu Sharfay Ka Hor Kulankii Xalay Ee Kazakhstan

Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid Eden Hazard ayaa xalay la gudoonsiiyay abaalmarin lagu sharfayo ka hor kulankii uu xulka qarankiia Belguim guusha ka gaadhay xulka Kazakhstan kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Xiriirka xulka qaranka Belguim ayaa Eden Hazard ku sharfay abaalmarin kadib markii uu kulankiisii 100 u saftay xulka qaranka oo uu ciyaaray kulankii hore ee ay la ciyaareen xulka Cyprus.

Eden Hazard ayaa abaalmarinta la gudoonsiiyay ka hor intii ayna bilaaban ciyaartii xalay iyada oo ay garab joogeen qoyskiisu.

Kabtanka reer Belguim ayuu garab istaagay walaalkiis Thoragn oo isna ku bilowday kulankii uu xulka qaranka Belguim guusha 3/0 ah gaadhay.

Hazard ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulka qaranka isaga oo 17 jir ah isaga oo xalay u ciyaaray kulankiisiii 101-aad isaga oo dhaliyay 30 gool.

Xulka Belguim ayaa si cajiib ah u badiyay kadib markii ay 3/0 ku garaaceen xulka Kazakhstan iyaga oo ugu cad-cad in ay kaalinta 1-aad kaga soo baxaan Group-kooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.