Cristiano Ronaldo: Waan Gaadhay Wax Walba Oo Aan Ugu Guulaysan Karo Ballon d’Or-ka Sanadkan

Xiddiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa difaacay naftiisa isaga oo sheegay in uuna marnba qaab ciyaareedkiisu hoos u dhicin kadib markii uu ku guulaystay koobka UEFA National League.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkiisa ku soo xidhay guul kadib markii uu xulka qaranka Portugal kula guulaystay koobka UEFA National League inkasta oo uuna isagu dhalin goolka uu xulka Portugal ku qaaday koobka.

Xiddiga 34 jirka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in uu ku guulaystay wax walba oo uu ugu guulaysan karo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ee sanadkan.

Cristiano oo arintaas ka hadlaya arintaas ayaa yidhi” Ma jirto wakhti aan si xun u ciyaaray tan ilaa markii aan jiray 16 sano, rikoodhadayda ayaa naftooda ka hadlaya, waxana ay arintaas muujisay sanadihii aan soo ciyaarayay kubada cagta wax dan ahna kama lihi waxa ay dadku sheegayaan”.

“Abaalmarinta shaqsiga ah? way caawisa xiddigaha laakiin kuma waalanayo in aan mar walba helo, sida iska cad waan jecelahay laakiin beena ma sheegayo”.

Isaga oo ka hadlaya suurtagalnimada ku guulaysigiisa abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayuu yidhi”Waxa aan ku guulaystay 3 koob maxa kale ee aan sameeyaa ee intaas ka badan? ma garanayo qiimaynta idinka ayaan idiin daynayaa waana in aad qiimaysaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.