Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Frank Lampard Si Ay Ugu Badasho Maurizio Sarri

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Halyeeyga Frank Lampard si ay badal uga dhigaan tababare Maurizio Sarri kaas Ku wajahan kooxda Juventus xagaagan.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Chelsea wadahadalo la qaadatay Tababare Frank Lampard kaas oo haatan tababare ku ah kooxda Derby County.

Frank Lampard ayaa ah dookha 1-aad ee chelsea si ay ugu badalaan Sarri iyaga oo maanta wadahadalo horumar leh la qaatay isaga oo waliba joogay maagalada London.

Maurizio Sarri ayaa isaga tagaya kooxda cheslea hal sano kadib markii uu xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Napoli isaga oo dalab ka helay kooxda Reer Italy ee Juventus.

Sarri ayaa chelsea ku hogaamiyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier league halka uu sidoo kale ku hogaamiyay ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Frank Lampard shaqo fiican qabtay xilli ciyaareedkan kadib markii uu kooxda Derby ku hogaamiyay is reeb-reebka Championship-ka laakiin aan u soo dalicin horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.