Chelsea Oo Ku Dhaw In Ay Tababare U Magacawdo Frank Lampard.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ku sii dhawaanaya in uu isaga tago kooxda chelsea kadib markii ay kala heshisiay Kooxda Juventux Hal xilli ciyaareed kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Juventus.

Wararka yaa sheegaya in ay kooxda Juventus dhigeeda chelsea kala heshiisay qiimaha tababare Maurizio Sarri kaas oo noqon doona tababaraha cusub ee kooxda Shaqadana ka badali doona tababare Max Allegri.

Wargayska Metro ayaa haatan sheegaya in ay kooxda chelsea ku dhawdahay saxiixa tabbare Frank Lampard ahna Halyeeyga kooxda Blues kaas oo ay doonayaan in uu noqdo tababaraha Cusub ee kooxda.

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa in ay maalmaha yar ee soo socda si Rasmi ah u shaaciso in uu Frank Lampard noqon doono tababarohooda cusub ee xilli ciyaareedka dambe.

Tababare Frank Lampard ayaa shaqo fiican ka qabtay kooxda Derby kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore kooxda ka caawiyay in ay soo gaadho is reeb-reebka u soo bixista premier League ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin kooxda Aston Villa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.