Borussia Dortmund Oo Ka Jawaabtay Wararka Arsenal La Xiriirinaya Mario Gotze, Maxaa Soo Kordhay?

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ka hadashay wararka xiddiga Mario Gotze la xiriirinaya kooxda Arsenal.

Gotze oo xulka qaranka Germany u dhaliyay finalkii koobkii adduunka ee 2014 ayaa si lama filaan ah loola xiriirinayay in uu ku soo wajahayn yahay Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Germany ayaa ku soo laabtay Borussia Dortmund 2016 kadib markii uu 3 sano oo adag ku soo qaatay Bayern Munich waana haatan heshiiskiisa uga hadhay hal sano oo kaliya.

Taas ayaa keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in ay Arsenal u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga marka loo eego in aanay kooxdu haysan lacag badan oo ay suuqa ku gasho laakiin ay Gunners lacag jaban ku heli karto xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Agaasimaha kooxda Dortmund ee Michael Zorc ayaa sheegay in uuna xiddigu muujin dareen uu ku doonayo in uu kaga tago kooxda oo ay waliba doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan.

“Waxa aan wararka xanta ah sanado ka maqlaynay England”ayuu Zorc u sheegay Sport Bild, “Laakiin arintaas waan ka daganahay”.

“Mario Götze noomuu sheegin wax bixitaan ah, waxana aan ku raaxaysanaynaa wadahadalada aan kula jirno wakiilka xiddig iyo waliba aabihiis”.

“Ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub waaanu wada fadhiisan doonaa si aan heshiis cusub uga saxiixano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.