Bayern Munich Oo Qorshaynaysa In Ay Arsenal Ka Afduubato Saxiixa Xiddig At Gunners Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay

Kooxda Bayern Munich ayaa si Lama Filaan ah ugu soo biirtay xiddig ay Arsenal Heshiiska shaqsiga ah la gaadhay iyaga oo u arkaya badalka xiddiga kooxda Man City ee Leroy Sane kaas oo ay doonayaan adeegiisa sida ay sheegayaan wararku.

Bayern Munich ayaa Arsenal kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda shiinaha ee Dalian Yifang ee Yannick Carrasco kaas oo ay u doonayso badalka Leroy Sane sida laga soo xigtay wargayska Sport Bild.

Kooxda Ku guulaystay Horyaalka Bundesliga ayaa suuqa ka raadinaysa badalka xiddigaha Franck Ribery iyo Arjen Robben kuwaas oo kooxda isaga tagay kadib markii ay dheceen heshiisyadoodu.

Leroy Sane ayaa ku jira labadii sano ee heshiiskiisa Man City ugu dambeeyay inkasta oo ay City isku dayday in ay heshiis cusub ka saxiixato inkasta oo aan ilaa haatan ogolaan.

Taas ayaa heegan galisay kooxda Bayern Munich kuwaas oo xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga inkasta oo uu madaxweynaha Real Madrid qirtay in ay adkaan doonto in ay Sane kala soo saxiixdaan kooxda Man City.

Xilli ay ku adagtahay in ay Man City ku qanciso saxiixa xiddiga Leroy Sane Bayern Munich ayaa dareenkeeda u jeediyay saxiixa Yannick Carrasco kaas oo lala xiriirinayo kooxda Arsenal.

Yannick Carrasco ayaa lagu heli karaa kaliya 25 milyan oo euro isaga oo waliba diyaar u ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa oo haatan ah lacag dhan 170 kun oo Gini todobaadkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.